TEL: +252 905 050 101
PUNTAND
PRESIDENTIAL ELECTION
2024
VOTE
FOR
FARAH AW-OSMAN
"To serve you and not to be served"
DOORASHADA MADAXWEYNE
EE PUNTLAND
2024
DOORO
FARAH AW-OSMAN
"Kuu adeege aan kaa adeegan"
KU BIIR
Barahayaga Bulsho si aad ula socoto halka ololaha doorasho marayo, fadlan la wadaag ehelkaaga iyo axsaabtaadaba.
Quick Donation
Musharaxu maaha uurkiraale cidkale u adeega, balse, waa wadani dadkiisa u danqanaya rabana inuu noloshooda wax ka badelo una horseedo waa cusub oo ifaya, hadaba, shilinkaaga ugu hiili isbedel doonka Bulsho ee Puntland iyo ololaha doorasho ee Musharax Faarax Aw-Cismaan.
Maxaa Sababay in Musharaxu
xiligan tartamo
Ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee Musharax Faarah Aw-Cismaan ku xambaartay inuu xiligan adag isa soo sharaxo. Maxaa yeelay, Faarax waa hogaamiye leh dareen wadaniyadeed, danqasho dadnimo iyo damiir Islaanimo. Waa hogaamiye bulsho oo mudo dheer u adeegayay ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland gudo iyo dibadba. Waa hogaamiye ka duwan kuwii hore iyo kuwa iminka siyaasadda ku hardamayaba. Waa hogaamiye la iman doona hanaan dowladeed iyo horumar ay bulshu ku diirsan doonaan. Musharaxu wuxuu dejiyay qorshe wax-qabad oo toban qodob ka kooban, qorshahaas oo ka turjumaya baahiyaha bulsho, nololeed, amni, midnimo, dhaqan-dhaqaale iyo horumarineed ee reer Puntland ay hamuunta u qabaan. Musharaxu waa hogaamiye leh aqoon sare oo maadi ah iyo mid diimeedba, waa mideeye, xalaal quudad ah oo ilaalin doona amaanadda ummadda, lana dagaalami doona; eexda, laaluushka, cadaalad-darada, musuqmaasuqa, qabyaalada iyo wax kasta oo ummadda reer Puntland sharafteeda, sumcadeeda, midnimadeeda, horumarkeeda iyo dowladnimadeeda wax u dhimaya.
Akhriso Barnaamijka Wax-qabad ee hogaamiye Faarax
& Arimaha uu u dagaalami doono ka Madaxweyne ahaan.
KOR U QAADISTA ADEEGYADA BULSHO SIDA: WAXBARASHADA IYO CAAFIMAADKA
WAX KA QABADKA SICIR BARARKA QUUDKA IYO KORANTADA
Ka Qayb Qaado Ololahayaga
Doorasho
Hadafkayagu waa in bulshadu wada guulaysato heshana hogaan iyo dowlad u qalanta!
Midnimo bulsho oo qura ayaana guushu ku iman kartaa, hadaba, si aanu taariikh lagu naaloon karo u horseedno, fadlan kaalay oo wakhtigaaga ku tabaruc, qaybna ka noqo isbadal doonka Bulsho.
Nagu soo biir hada!
Wararka Ugu Danbeeyay
Ee Ololahayaga Doorasho
Wakhtigu Wuu Is Gurayaa!
Hadaba si aanu u gaarno guul, una horseedno waa-cusub oo ifaya, adiga iyo ubadkaaguna ku naaloon doontaan, fadlan, tabarucaad dhaqaale u fidi ololaheena doorasho si aan u wada guulaysano!
Kala Soco Olalahayaga Doorasho
Sawirada Instagram
Hadaadan sawiro arag, Malaha hashtag khalad ah ayaad taabatay.
Doorkaaga
Qaado